Socdaalka uu laacibkii hore ee Arsenal ku tegey Hargeysa muxuu ka beddeli karaa duruufaha kubadda cagta Ciyaaryahanka caanka ah ee u safan jiray xulka Nigeria iyo Kooxda Arsenal Nwankwo Kanu oo maalmihii u dambeeyey socdaal ku joogay Magaalada Hargeysa, ayaa balanqaadyo kala duwan u sameeyey ciyaartoy da’ yar oo ka mid ah kooxaha akadeemiyadaha Hargeysa, isagoo oo shalay ka qayb galay daawashada ciyaar kooxahaas da’yarta ah ay ku ciyaareen Hargeysa Stadium.
49 jirkan labada jeer ku guuleystay Xidigga Qaarada Afrika iyo koobka olombikada ee 1996 oo Hargeysa u yimid ka qayb galka xuska 18-ka May ee maalintii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taageeda, iyo kulamo uu la yeesho bahda ciyaaraha, ayaa da’ yarta ciyaaraha ee Hargeysa ee uu la kulmay uga warramay duruufihii iyo caqabadihii kala duwanaa ee uu soo maray muddadii uu ku jiray ciyaaraha ee heer kooxeed ilaa heer qaran.
Xukuumadda Somaliland oo Ciyaaryahankan ruugcaddaaga ah soo casuuntay ayaa sheegtay in ay ka rajeynayso inuu u fududayn karo xidhiidho kala duwan oo ay Somaliland la samayso xidhiidho caalami ah, maadaama aanay aqoonsi haysan.
Socdaalka Kanu ee Hargeysa
Weeryahankii hore ee Kooxaha Arsenal, Ajax, Inter Milan iyo West Bromwich ayaa maalintii sabtidii ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo masuuliyiin kala duwan ay ku soo dhaweeyeen.
Sida uu BBC-da u sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase), socdaalka Kanu waxa uu ka dambeeyey martiqaad uu u diray Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo hore ay Ciyaaryahanka ay saaxiib u ahaayeen, London-na ay hore ugu kulmeen sannadkii 2017-kii.




