Dalka ugu farxadda badan adduunka: Soomaalida ku nool Finland ma dareemaan farxadda lagu sheegay dalkaas?
Finland ayaa sanadkii siddeedaad oo xiriir ah hoggaanka u haysa Liiska Farxadda Adduunka – balse waxa si dhab ah u soo jiita dalxiisayaasha waa qiyamka qoto dheer ee dalka, sida dheellitirka, dabiicadda, iyo qanacsanaanta nolosha maalinlaha ah.
Dadweynaha Finnish-ka ah guud ahaan si daggan ayay u aqbalaan abaalmarinta farxadda sare ee ay heleen, taas oo lagu shaaciyay Warbixinta Farxadda Adduunka ee Qaramada Midoobay bishii Maarso 2025, markii sideedaad oo xiriir ah. Si kastaba ha ahaatee, shirkadaha dalxiiska ee Finland waxay u dabbaaldegayaan sidii dad badan oo safar doon ah ay ula xiriirinayaan Finland iyo farxad, iyaga oo rajaynaya in ay yimaadaan si ay u dareemaan noocaas gaar ah ee farxadda Finnish-ka.
Si kastaba ha ahaatee, ha filan inaad la kulanto qosol xooggan iyo hadallo farxad leh markaad ka degto garoonka diyaaradaha ee Helsinki ama aad kaga soo degto mid ka mid ah doonyaha Baaltigga dekedda caasimadda.
Waxaa jira wax run ah oo ku saabsan aragtida Finland oo ah dal aan buuq badan lahayn, dhab ah oo miyir leh. Guud ahaan, Finnish-ku way ku farxaan – xitaa waa ay ku faraxsan yihiin – in la maamuuso iyaga oo ku saleysan natiijooyinka warbixinta, balse iyaga oo si xushmad leh u aqbalaya, waxay dareemayaan in “farxad” aysan ahayn erayga ugu habboon. Halkii laga dhihi lahaa “farxad”, erayo sida “qanacsanaan” iyo “dhammaystirnaan” ama “raalli ahaansho nolosha” ayaa si ballaaran loogu
arkaa kuwo ku habboon.
Dalkan ku yaalla waqooyiga Yurub ayey ku nool yihiin tiro badan oo Soomaali ah oo sanado iyo siyaabo kala duwan ku tagay dalkaasi.
Kumannaan Soomaali ah ayaa ku nool magaalooyinka dalkan loo tiriyo inuu dadkiisu ugu farxada badan yihiin dadyowga caalamka,.. Hadaba dadka Soomaalidu ma haystaan farxadaas sideese u arkaan inay ku noolyihiin?
Cabdiweli Xasan Xaashi Wali, oo ah wariye ka tirsan telefishinka Qaranka ee Finland muddo dheerna degganaa dalka Finland ayaa xusay in farxada la sheegayo inay haystaan dadka ku nool dadkaasi uusan isagu haysan ayna kala duwan tahay sida loo haysto iyo sida ay farxadaasi tahay.
“Waa wax fiican y waana wax wanaagsan in dalka an ku noolaa 34 loo magacabay in 8sano isku xigta wadanka ugu faraxada badan adduunka, laakiin farxadu waa kala nooc habka dadku faraxadu u malayno iyo habka laga wado inay kala duwan tahay ayaa moodaa, Finland waxkasta oo ku saabsan qofka noloshiisa waa shaqeeyaan, hadda cafimaad rabto, waxbarshada, ballamaha qofku marku leeyahay si wanagsan ayaa loola dhaqmaa. Faraxada waxaa laga wadaa waxkasta waa shaqaynayaan, wax carqalad ah qofka ka hor imaan kara waa yar yihiin”ayuu yiri Cabdweli Wali.




