About Us

Iftiin News waa mareeg warbaahineed madax-bannaan oo u taagan iftiiminta xaqiiqda, wacyigelinta bulshada, iyo gudbinta warar sax ah, waqtigooda ku habboon. Waxaan u heelan nahay inaan bulshada siino warar dhab ah, aan la buunbuunin, kuna saleysan daacadnimo, dhexdhexaadnimo, iyo anshaxa saxaafadda.

Waxaan diiradda saarnaa:

✅ Wararka gudaha & dibadda

✅ Falanqayn siyaasadeed, dhaqaale & amni

✅ Caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarka bulshada

✅ Ciyaaraha & madadaalada

✅ Doodaha dadweynaha & aragtida shacabka

🎯 Hadafkeena

Inaan noqono warbaahin lagu kalsoonaan karo oo horseeda iftiin iyo isbeddel togan, anagoo bulshada u gudbinayna xog muhiim ah oo wax-tar leh.

🌍 Himiladeena

Inaan sare u qaadno wacyiga dadweynaha Soomaaliyeed gudaha dalka & dibadda, isla markaana aan dhisno bulsho xog ogaal ah oo ka qaybqaadata horumarka

👥 Kooxdayada

Kooxda Iftiin News waxay ka kooban tahay wariyeyaal, tafatirayaal, iyo xirfadlayaal farsamo oo leh khibrad iyo karti. Waxaan wadaagnaa hal hadaf: “Iftiimi Xaqiiqda, Ka Fogow War Been ah.”

🧑‍💻 Maxamed Axmed – Tafatiraha Guud
🎤 Fartuun Cabdi – Wariyaha Arrimaha Bulshada
🎥 Cabdiqaadir Xasan – Sawirqaade iyo Video Editor