Magaalada Muqdisho waxa soo gaarey ciyaartoy horey caan uga ahaa qaaradda Afrika iyo caalamkaba oo hadda qaarkood ay xilal sare ka hayaan xiriirrada Afrika iyo kan aduunka ee FIFA.

Ciyaartoydaas oo ay ku jiraan xiddigii hore ee xulka Cameroon, haddana ah madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee dalkiisa Samuel Eto’o, ciyaaryahankii hore ee Togo Emmanuel Adebayor iyo xiddigii hore reer Nayjeeriya Jay-Jay Okocha ayaa qayb ka ah socdaal lagu qiimeynayo suurtogalnimada in Soomaaliya ay marti geliso ciyaaraha caalamiga ah.

Xiddigahan oo magac iyo maamuus ku dhex leh ciyaaraha kubadda cagta Afrika, ayaa inta ay Muqdisho joogaan u kuurgeli doona garoomada iyo xarumaha ciyaaraha ee dalka, waxayna durba ka qaybgaleen ciyaar lagu maamuusayey imaanshahooda oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Mogadishu Stadium.

Ciyaartan oo dhex martay labo oo ka koobnaa ciyaaryahanno horay ugu soo ciyaaray Soomaaliya iyo qaar ka mid ah kooxaha dalka, iyo xiddigahan hore ee Afrika oo ay la safan yihiin ciyaartoyda ajnabiga ah ee ka ciyaara Soomaaliya, waxaa daawashadeeda ka qaybgalay madax, mas’uuliyiin ka tirsan xiriirrada SFF, CECAFA, CAF, FIFA iyo dadweyne aad u badan.

Soomaaliya waxaa ugu dambeysey martigelinta ciyaaro caalami ah ka hor dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 1991-dii, waxayna hadda isku dayeysaa in ay kasbato kalsoonida xiriirrada caalamiga ah ee ciyaaraha qanbanqaabiya.

Guddoomiye Ku-xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, Axmed Taqal oo ciyaartu intii aysan billaaban la hadlayey wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa sheegay in hadafka ugu weyn yahay sidii dunida loogu qancin lahaa in Soomaaliya diyaar u tahay martigelinta xulalka caalamiga ah, halka muddooyinkii la soo dhaafay ay ciyaaraha gurigooda ay ku ciyaarayeen dalka dibeddiisa.

Axmed Taqal oo sii hadlayey wuxuu intaas ku daray in ay dadaal dheer u galeen beddelidda aragtida laga haysto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo ciyaaraha, wuxuuna rajo ka muujiyey in mar dhow uu dalku la soo laaban doono xaquuqdiisa ku aaddan in xulalka qaranku ay kulamada gurigooda ku ciyaaraan dalka gudihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here