Cumar Khaled Maxamed Marmoush, waa xirfadle kubada cagta oo u dhashay wadanka Masar, sanadkii 1999kii, 7-dii febraayo ayuu ku dhashay magalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Marmoush waxa uu kulankiisii ugu horeeyay isagoo xirfadle kubada cagta ah uu u saftay kooxda Wadi Degla ee horyaalka Masar 8-dii July 2016-kii , isagoo baddel ku soo galay ciyaartii ay la ciyaareen kooxda Al Ittihad Alexandria, wuxuu u saftay lix iyo toban kulan oo horyaalka ah kooxda Wadi Degla, siagoo u dhaliyay labo gool, ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda VfL Wolfsburg ee ka dhisan dalka Jarmalka.

Sanadkii 2020-kii ayuu Marmoush u saftay kulankiisii ugu horeeyey kooxda Wolfsburg isagoo ku lug lahaa guulo markaas iyo ka dibba kooxdu gaartay. Ka dibna waxa uuMarmoush amaah ugu biiray kooxda St. Pauli mar kale ayuuna amaah ugu ciyaaray kooxda VfB Stuttgart bishii agoosto Dhammaadkii xilli ciyaareedkii 2021-ki.

15kii Maajo 2023 ayuu si rasmi ah Marmoush si bilaash ah ugu biirayo Eintracht Frankfurt ka hor bilaabashada xilli ciyaareedkii 2023–24-kii. Marmoush waxa uu u dhaliyay kooxdiisaa hore 16 gool 37 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay. Cumar, waxa uu soo jiitay xiisaha suuqa kala iibsiga kooxaha Premier League sida Arsenal, Liverpool, Newcastle iyo Tottenham sanadkaas.

Marmoush waxa uu ku lug lahaa 9-gool oo uu lix gool dhaliyey seddexna caawiyey bishii Sebtembar, taasoo uu muteystay abaalmarinta ciyaaryahanka bisha ee Bundesliga. Hal xili ciyaareed ka dibna 23 Janaayo 2025 ayay Manchester City kusoo qaadatay £59 milyan

lix iyo labaatan sano jirkan ayaa ah mi dheereeya oo awoodna u leh gool dhalin, sanadkiisii ugu horreeyey ee City iyo Horyaalka England ayuu Marmoush ka hoos ciyaarayaa macallin Pep Guardiola, mid ka mida tababarayaasha kubada cagta ee ugu wanaagsan dunida.

Cumar Marmoush ma noqon doonaa Masaarigii labaad oo taariikh ka dhigi kara Horyaalka England

Xidiga xulka Masar iyo kooxda Manchester City, Cumar Marmoush, waxa uu dhaliyey goolashiisii kowaad iyo saddexleydiisii ugu horreysay ee uu ka dhaliyo horyaalka Premier League xilli kooxdiisa ay la ciyaaraysay kooxda Newcastle United, ciyaar ka dhacday garoonka Etihad Stadium.

Wuxuu ahaa galab u wanaagsan Cumar Marmoush oo noqonaya ciyaaryahankii ugu horreeyey oon ahayn Haaland oo City saddexlay u dhaliya tan iyo ciyaartii Brentford sanadkii tagay ee uu Foden udhaliyey, waxana dhalintan Cumar ay kusoo aadaysaa xili xaaladdu ku xuntahay Erling Haaland, oo guud ahaan 52 gool dhaliyey xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay, oo ay ku jiraan 36 gool oo Premier League ah, waxay ahayd tiradii ugu badnayd ee ciyaaryahan dhaliyo hal olole.

Ka dib afar kulan oo uusan wax gool ah dhalin Marmoush tan iyo markii uu 59 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Jarmalka ee Eintracht Frankfurt ayuu dhaliyey goolashan daqiiqadihii 19, 24 iyo 33’aad ee qaybta hore ee ciyaarta.

Waxay aheyd guud ahaan qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigtay City oo aaddaysa Real Madrid Arbacada usbuucan si ay ula ciyaarto lugta labaad ee isreeb-reebka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here