Waa kuma tababaraha xulka Kenya ee hore uga cayaari jiray Premier League, kuna guulaystay Champions league
Benni McCarthy ayaa sheegay in Kenya ay “ka yaabin karto dad badan” haddii ay u soo baxdo Koobka Adduunka 2026 ka dib markii loo magacaabay tababaraha cusub ee waddankaas.
Ninkan oo u dhashay koofur Afrika ayaa saxiixay heshiis labo sano ah oo uu ku hogaamin doono kooxda Harambee Stars ilaa 2027-ka koobka qaramada Afrika – tartan ka dhici doona bariga Afrika, iyadoo Kenya, Tanzania iyo Uganda ay wada martigelinayaan.
McCarthy, oo 47 jir ah, ayaa bedelaya tababarihii ku meel gaarka ahaa ee Francis Kimanzi, kaasoo xilka hayay tan iyo markii uu shaqada ka tagay tababarihii Turkiga Engin Firat dhamaadkii sanadkii hore.
Ciyaarihiisa ugu horreeya waxay noqon doonaan isreebreebka Koobka Adduunka ee bishan ka dhacaya Gambia iyo Gabon oo ay gurigooda ku wajahayaan.
“Ka qaybgalka Koobka Adduunka, waa mid ka mid ah dareenka gaarka ah ee adduunka, waxaana doonayaa inaan iyaga siiyo,” McCarthy ayaa sidaa u sheegay BBC Sport Africa.







