Maxay tahay sababta uu cunnada Soomaalida u jeclaaday cayaartoygan ka cayaara horyaalka NBA
Hadal-hayn badan ayaa ka dhalatay hadal dhawaan ka soo yeedhay ciyaaryahanka reer Maraykanka ee caanka ku ah kubadda kolayga oo la yidhaahdo Jaylen Brown oo ku ku saabsan cunno-Soomaalida.

Ciyaaryahankan oo ka jawaabayay weydiin ahayd nooca cuntada uu jecel yahay ayaa sheegay in uu xiiseeyo oo ay dookha kowaad u tahay cuntada Soomaalidu.

“Waxa aan jeclahay cuntada Soomaalida. Waxaan leeyahay saaxiibbo wanaagsan oo Soomaali ah. Waa dookhyaga kowaad, gaar ahaan xilliyada afurka ee bisha Ramadan” ayuu yiri Jaylen Brown oo ah cayaaryahan Muslim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here