Garsoorayaasha Champions’ League halkii ciyaar lacag intee le’eg ayey qaataan

Mid ka mid ah tartammada kubadda cagta dunida ee aadka loo daawado oo ah koobka naadiyada horyaallada Yurub ama “Champions’ league” ayaa iminka gabagabo maraya, waxaana cayaarta kama dambaysta ah habeennimada Sabtida ee 31 Maajo ku kulmi doona garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich ee dalka Jarmalka kooxaha PSG iyo Inter Milan.
Xiisaha tartanka ayaa sii kordhayey tan iyo markii la bilaabay 70 sano ka hor.
Qarnigan 21-aad ee lacagta faraha badan la galiyay kubadda cagta, ayaa Champions League waxa uu noqday mid aad u qiimo badan sannad kasta. Ma ahan wax iska caadi ah in kooxaha ku tartamaya ay soo jiitaan ciyaartoyda ugu fiican, iyadoo inta badan aysan ka mid ahayn kooxaha ugu fiican adduunka, waxay sidoo kale awoodaan inay bixiyaan mushaaraad aad u badan qandaraas ahaan ciyaartoyda.
Diirada tartankan waxaa la fahmi karaa inay tahay ciyaartoyda, laakiin ciyaarta la ciyaarayo, waxay u baahan tahay garsoore. Aragti ahaan, tartanka ugu wanaagsan qaaradda ayaa sidoo kale leh mas’uuliyiintii ugu fiicnaa, iyadoo garsoorayaal badan oo Yurub u dhashay loo doortay inay dhexdhexaadiyaan tartanka. Haddaba, imisa ayaa garsoorayaashan lagu bixiyaa inay ka shaqeeyaan tartanka horyaallada Yurub, imisa ayayna qaatan haddii lagu maamuuso garsoorayaasha cayarta kama dambaysta ah?
Sida laga soo xigtay Kanaalka beIN SPORTS bartamihii sannadkii hore, garsoorayaasha waxaa la siiyaan lacago kala duwan, kuwaasoo ku saabsan hadba wareegga lagu jiro.
Wareegga Guruubyada
Wareeggan ayaa guruubyadu waxay ahaayeen in guruub kast ay afar koox ku jiraan, sidaa darteedna ay koox walba seddex goor garoonkeeda ku cayaarayso, seddex goorna garoonka kooxaha kale.
Laakinse marka la eego nidaamka cusub ee ah in tartanka ay ka qayb galayaan 36 naadi, ayaa micnuhu wuxuu yahay in koox kasta ay 8 cayaarood dheeli doonto.
Dhanka garsooratyaasha marka la eego wax saamayn ah oo weyn kuma laha shaqadooda, marka laga reebo in laca gay u kordhayso, ayadoo iminkana tirada cayaaraha la dheelayo la sii kordhiyey.
Cayaar kasta marka wareeggan lagu jiro garsoorayaashu waxay shaqaysan doonaan £5,300 halkii cayaarba.
Wareegga 16ka kooxood
Wareega 16-ka ee Champions League ee sanadkan waxaa lagu go’aamin doonaa nidaamka play-off oo ah in kooxdii mar laga badiyo ay harayso, waana lugta ku xigta marka heerka guruubyada la soo gabagabeeyo.
Sideeda kooxood ee ugu sareysa ayaa si toos ah u soo bixi doona, halka kooxaha ku kala jira kaalinta 9aad ilaa 24-aad ay ku tartami doonaan wareeggan kala reebtada ah si loo ogaado 8-da kooxood ee ugu dambeeya ee ciyaari doona wareega 16-ka, koox kasta oo ka hoosaysa kaalinta 24-aad ayaa isla markiiba laga saari doonaa.
Inkastoo aysan jirin tiro go’an oo ku saabsan lacagta lagu bixiyo garsoorayaasha marxaladan tartanka, waxay u muuqataa mid cadaalad ah in la qiyaaso in ay la mid tahay, haddii aysan wax yar ka badnayn, £ 5,300 ee ay garsoorayaashu helaan wareegga billowga ah ee tartanka.

Rubuc dhamaadka iyo afar dhamaadka
16ka kooxood waxaa ka soo baxaya 8 naadi, ka dibna afar. Cayaaraha rubuc dhamaadka iyo afar dhamaadka waa kuwo aad xiiso u leh.
Kooxaha u soo baxa ayaa ah kuwo heerkooda cayaareed uu aad u sarreeyo.
Garsoorayaasha wareegyadan qabta, ayaa ah kuwo khibrad sare leh.
Qiyaas ahaan waxaa la sheegayaa in ay helaan £6,700 cayaar kasta oo kak tirsan rubuc dhamaadka ama afar dhamaadka, mana laha wax farqi ah labada heer.







