Qaxooti ilaa Tababare kooxeed: Waayaha Macallin Miron Muslic oo Liverpool ka soo afjaray koobka FA Cup-ka
Tababaraha kooxda heerka labaad ee Ingiriiska Plymouth Miron Muslic ayaa gaaray wax ay dad badan oo kubada cagta ah u maleeyeen inaysan macquul aheyn ka dib markii uu kooxdiisa ku hoggaamiyey guul weyn oo ay ka gaareen kooxda ugu sarreysa horyaalka Premier League ee Liverpool ciyaar ka tirsanayd FA Cup-ka.
Gool ku laadkii ama rigooradii Ryan Hardie, ayaa ku filnaatay inuu xaqiijisto wareega afaraad iyagoo ku ciyaarayo garoonkooda Home Park Axadii.
“Waxay noo ahay maalin la yaab leh annaga, waxaan u sheegay ciyaaryahanadayda inay ku raaxaystaan, hadda waxaan qayb ka nahay taariikha Argyle,” ayuu yiri Muslic.
“Dhammaanteen waxay noo tahay maalin weyn, si uun waxaan dareemayaa inaan u qalano maalintaan.
“Anigu hadal la’aan ayaan ahay, caadiyan, waxay ii sheegaan inaan ahay aftahan, waa daqiiqad faan ah, waa maalin weyn.”







