Waa kee cayaartoyga Soomaaliyeed ee la saadaalinayo inuu ku biiro horyaalka Premier league
Daaha Cabdi Cali waa cayaartoy Kubadda cagta cayaara oo 26 jir ah. Wuxuu ku dhashay caasimadda Sweden ee Stockholm 1 Luulyo 1998. Waalidkiis waxay ka soo qaxeen Soomaaliya sannadihii 90-meeyadii. Wuxuu hadda u cayaaraa kooxda Malmo FF ee ka cayaarta Europa League.

Laakin waxaa isha ku haysa koox ka cayaarta horyaalka Ingiriiska ee Premier League. Sababaha ay ku doonayaan cayaartoygan ayaa lagu sheegay in uu yahay nin difaacyada ka soo horjeeda jebiya oo balka ka dheela.

Wuxuu ka mid yahay Daaha cayaartoyda durba la safo ee kooxda Malmo ku xisaabtanto, wuxuuna ku fiican yahay dhalinta iyo dhigidda goolasha, taana waxay keentay inuu qayb muhiim ah ka qaato kaalinta ay kooxdiisa kaga jirto horyaalka Sweden ee 2024 oo ay ku hogaaminayso 61 dhibcood, waxaana kooxda ku soo xigta ee Hammarby ay leedahay 53.

Maalmo FF waa kooxdii uu cayaaraha ka soo bilaabay laacibka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic, waana kooxda hadda difaacanaysa horyaalka.

Kooxda Brighton ee horyaalka Premier league-ga Ingiriiska kaga jirta kaalinta 6aad ayaa aad u danaynaysa ciyaartoygan, sababahana waxaa ugu weyn ayadoo doonaysa cayaartoy dhallinyar oo xirfad sare leh, buuxinna kara qaybta weerarka ee kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here